Muqdish(INO)— Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inay jiraan culeysyo badan oo eysta ciidanka Booliska, kaasoo caqabad ku noqday howshooda.
Wareysi uu Taliyaha siiyay Wargeyska The Star ayuu ku sheegay in Saraakiil ciidan loo tababaray, balse aysan heysan wax agab ah
Taliyaha ayaa ku eedeeyay beesha caalamka dayacaad waxaana uu xusay in loo baahanyahay in la tayeeyo ciidamada booliska Soomaaliyeed si ay amaanka dalka u hantaan
“Waa ay jiraan in saraakiil iyo ciidamo naloo tababaro haddana saraakiishaas agab la’aan lama shaqo galin karo” ayaa lagu yiri warka laga soo xigtay taliyaha booliska Soomaaliya Jen Max’ed Xasan Xaamud ee lagu qoray wargeyska The Star.
Xaamud waxaa uu talo ahaa n u soo jeediyay in la tayeeyo oo la kordhiyo tirada ciidamada booliska waxaana uu intaa ku daray inuu aaminsan yahay in maalin ciidanka booliska ay noqon doonaan kuwa awood u hela sugida amaanka dalka.
Dhanka kale taliyaha ciidamada booliska midawga Africa ee AMISOM Anand Pillay ayaa isna sheegay inay toos ula shaqeeyaan ciidamada booliska Soomaaliya waxaana uu xusay inay booliska Soomaaliya ay u tababareen illaa 400 oo sargaal 200 oo kalena ay bisha dambe u tababari doonaan.
Idale News Online,Muqdisho