AMISOM oo sheegtay in ay sii wadeyso howlgalkeeda Soomaaliya

0
316

Muqdisho (INO)-Wakiilka Ururka Midowga Africa ee Somalia ahna Madaxa howlgalka AMISOM  Ambassador Francesco Madiera oo u waramayey Wargeyska the Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ay sii wadi doonaan howlgalkooda Somalia ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Mr Madeira ayaa  xusay in mudadi howlgalkooda Somalia ay guulo ka gaareen dhinaca la dagaalanka Al Shabaab oo uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed isagoo intaas ku daray in iyaga iyo ciidamada Somalia uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo suura geliyey in ay wada qaadaan howlgallo badan oo Al Shabaab looga saaray deegaano badan oo ku yaalla Somalia.

Wakiilka ayaa sheegay in qorshahooda ugu weyn ee Somalia ay tahay sidii dalka ay dib ugu soo celin lahaayeen dhinaca ammaanka isagoo xusay in marka taasi ay ku guuleystaan ay dalka ka bixi doonaan isla markaasina mas,uuliyadaasi ay ku wareejin doonaan dowladda Somalia.

Mar wax laga  weydiiyey wakiilka saameynta ay ku yeelatay Mushaar dhimista uu ciidamada AMISOM ku sameeyey midowga yurub ayaa xusay in taasi ay dhibaato  leedahay laakiin waxaa uu sheegay in arimahaasi ay kala hadlayaan qaramada midoobay haddii ay kordhin karaan lacagahaasi laga jaray.

Francesco madiera ayaa sheegay ay sii wadayaan dadaaladooda dhinaca nabad soo celinta isagoo xusay hadda in ay  gobollo badan oo Somalia ah ka wadaan howlgal ay kula dagaalamayaan xarakada Al Shabaab.

Idale News Online, Muqdisho