Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain oo ku kulmay London (Sawirro)

0
223

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron oo xafiiskiisa downing Street ee magaalada London ku qaabilay, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in dowladdiisa ay sameyneyso wax walba oo ay ku caawineyso dowladda Soomaaliya, si ay dib mar kale cagaheeda dib isugu taagi laheyd.

Mr Cameron ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro is bedel dhab ah, isagoo xusay inay doonayaan inay arkaan Soomaaliya oo horumar ka gaartay dhinaca dhaqaalaha, siyaasada iyo la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Britain taageero ay siiso dowladda Soomaaliya.

Labada Hogaamiye ayaa ka wada hadaly arrimaha shirka May ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya London, iyadoo isla soo qaaday diyaarinta shirkaas oo ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan.

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday lacag gaareysa shan milyan doolar oo ah kaalmo cusub oo loogu tala galay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bani’aadanimo sida caruurta nafaqa darada iyo cunada.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo uu Madaxweynaha la qaato Ra’iisul Wasaaraha Britain, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan khudbad ka jeedinayaa Machadka Chatamham House oo su’aalo kulul lagu weydiinayo oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.


 




 

Idale News Muqdisho