Muqdisho (INO) – Ra’isul Wasaaraha dalka ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa la sheegayaa in dadaal xoogan uu ugu jiro sida lagu hakin lahaa doorashooyinka la filaayo inay dhacaan bilaha fooda nagu soo heyso.
Desalegn, ayaa doonaaya in wakhti loogu daro Dowlada hadda jirta si ay u hesho wakhti ku filan, waxaana lasoo warinayaa in arrintaani ethiopia ay kala kaashaneyso Dowlada Uganda.
Ilo wareedyo ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid uu wato Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, islamarkaana Dowlada ethiopia loo sameeyay ballanqaadyo waa haddii ay qorshaha wakhti kororsiga hirgaliso.
Desalegn, ayaa doorashada badalkeeda ololo ugu jira in muddo laba sano ama hal sano loogu darro Dowlada Xassan Sheekh si ay u dhameysato howlaha qabyada ah, hayeeshee arrinta ayaa u muuqata mid lagu dabar-gooynaayo rajada Somalia.
Dowlada ethiopia ayaa fursad u aragta sii shaqeynta Dowlada Xassan Sheekh Maxamuud, maadaama ay labada gole ku dhex leedahay xubno iyaga matala balse kasoo jeeda Somalia.
Ma cadda in qorshahaani uu noqon doono mid hirgala,waxa uuna shakiga ka jiraa sida ay ku aqbali laheyd Beesha Caalamka oo aan raali ka aheyn in Xassan Sheekh uu sii joogo muddo intaan kabadan.
Idale News Online, Muqdisho