Dhallinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ka Cabanaya Shaqo La’aan, Maalinta Shaqaalaha Adduunka

0
489

Baydhabo(INO)- Iyadoo dunidu ay maanta u dabaal degayso maalinta shaqaalaha addunka ee 1-da May ayaa  hadana waxaa jira dhalinyaro Koonfur Galbeed Soomaaliyeed oo ku sugan xaalad shaqo la’aan taas oo ka dhigtay in nolsha dalkan ay u arkaan mid adag.

Sida ay aaminsan yihiin badi dhallinyaro aan kula kulmay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay , shaqooyinkii ay mudnaayen dhalinyaraddu ma helaan  waxaana ay ii sheegeen in  shaqooyinka Dowladda Federaalka iyo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ka banaan la isku shaqaalaysiiyo nin tooxsi oo aan aqoon la isku qaadanin.

Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaallaha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu qirsan yahay inay shaqo la’aan ka jirto degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya, hase ahaate waxa uu iswaydiinayaa wasiirku sida ay u sahlanaan karto in laga hortago tahriibka dhalinyaradda guud ahaan Soomaaliua gaar kuwo Koonfur Galbeed Soomaaliya

Amman dari , Shaqo la’aan iyo dhaqaallee xumo ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inay sabab u tahay qulqulka dhalinyaradda ka tahriibaysa dalka.

Hadda oo dalku ay ka jiraan ururro u dooda xuquuqda shaqaalaha ayaa waxaa la dareemayaa dadaal dheer oo ay ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed iyo kuwa dowladda u shaqeeya oo iyaguna la daala dhacaya mushaar la’aan .

Si kastaba weli waxaan muuqan xuquuq badan oo ay helaan shaqaalaha  guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya, waana hubanti haddii dhalinyaradda tahriibaysa ay helaan shaqo wanaagsan oo aan lagu samaynin nin jeclaysi ay ka baaqsadaan tahriibka.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here