Baydhabo(INO)- Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaallaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta si weyn u Xustey Maalinta Caalamiga Ah Ee Shaqaalaha Aduunka.
Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal Dhaqameed Iyo Ururada Bulshada Qeybahooda Kala Duwan Ayaa Ka Qeyb Galey Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Shaqaalaha Aduunka.
Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha Koonfur Galbeed Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan Ayaaa Ugu Horeyn Sharaxaad Ka Bixiyey Ujeedka Munaasabada isaga oo ku dheeraaday muhiimada maalinta ay u leedahay shaqaalaha aduunka.
Gudomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaalada Abdulaahi Ali Watiin Iyo Mid Ka Mid Ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Ayaa Sheegey Dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar Ahaan Ardada Dhameysatey Dugsiyada Sare in Loo Abuuri Doono Shaqo.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka wasaarada Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Hanbalyo U Jeediyey Dhamaan Shaqaalaha Dowlada Iyo Kuwa Caalamkaba.
Ugu dambeyntii, 1da May Sanad Waliba Maanta Oo Kale Waxaa Caalamka Laga Xusaa Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo muhiimad gaar ah u leh shaqaalaha caalamka.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
WariyeSiidcali Muuse Maxamed
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo