Daawo: Gudoomiyaha Jaamacadda Jubbada Sare Ee Baydhabo Oo Ka Qiib Galey Tababar Ku Saabsan Isbedelada Cimilada Aduunka

0
419

Muqdisho(INO)- Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtey Tababar kusaabsan isbedelka Cimaladaha iyo sidey Jaamacadaha loogu dhigi lahaa ka manhajkaas .

Tababarkaas waxaa kasoo qayb galey, Jaamacda Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo ama Upper Jubba University , Somali University, Hiiran University , Simad,Lowaer Jubba University, Plasma University iyo Mogadishu University.

Tababarka waxaa soo qaban qaabiyey Hay’ada UNDP , iyadoona ay Qabaneyeen Khubaro kasocatey Hay’ada hydroc oo in mudo ku howlaneyd Cilmiga Quseeya (Enhancing Climate Resilience of the Vulnerable Communities and Ecosystems in Somalia – Climate Change Adaption Modules for University Level Education).

Tababarkaas wuxuu socdey muddo Todabaad ah iyadoo Jaamacdaha lasiiyey Casharo kusaabsan Isbedelka Cimiladaha iyagoona lasoo siiyey Manhaj ay ardada ku bari doonaan.

Macalimiinta Casharada Bixinaayey waxaa ka mid ahaa Khabiir Weyn Mr.PHILIP OMAND oo ahaa nin ku takhasusay dhinaca Cimaladaha iyo Deegaanka .

Ugu dambeyntii, Tababarkan waa Tababarkii ugu horeeyey ee lasiiyo Jaamacadaha Soomaaliaya , iyadoo Todabaadka soo socdo lagu Qaban doono Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Halkan Ka Daawo

01020304

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo