Howl gallo laga sameeyay Baydhabo oo rag lala xiriirinayo Al-Shabaab lagu qabtay

0
510

Baydhabo(INO)— Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in howl gallo xalay ciidamada ammaanka ee Koofur Galbeed ka sameeyeen xaafadaha magaaladaas lagu qab qabtay dad fara badan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Howl galkan ayaa ka dambeeyay markii Ciidamada Nabadsugida koofur galbeed ay xog ku heleen in rag ka tirsan Al-Shabaab gudaha u soo galeen magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in meelaha howl galka laga sameeyay ka mid aheyd xaafad ku taal duleedka Baydhabo, halkaasoo laga soo qabtay tobaneeyo ruux.

Ciidamada ayaa howl galka kadib waxay kala saareen dadkii ay soo qabteen, waxaana ay kala hareen illaa ruux, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Howl gallo lagu xaqiijinayo amniga ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidamada nabadsugida koofur galbeed ka wadeen magaalada Baydhabo.

 Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here