Dowladda Britan oo Somalia ugu deeqday Malaayiin Dollar

0
206

Dowladda Britain ayaa maanta ku dhawaaqday inay Dowladda Somalia ugu deeqday lacag dhan 4.7-Millian oo dollar una dhiganta 3Millian oo Euro Money

Ku dhawaaqista Deeqdani ayaa imaaneysa iyada uu Madaxweynaha Somalia booqanaayo Magaaladda London si uu ula kulmo Raisul wasaaraha Britain David Cameron

Xog-hayaha iskaashiga caalamiga ee Britain Haweeneyda lagu magacaabo Justine Greening, ayaa ku dhawaaqday kaalmada cusub oo ay maanta ugu deeqen Dowladda Somalia waxa ayna sheegtay inay kala-bar kaalmada lagu wareejin doono Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada aduunka WFP si ay ugu quudiyaan 59.300 oo isugu jira caruur iyo haween oo nafaqa daro ku hayso gudaha iyo daafaha Somalia

Si kastaba ha ahaatee Justine Greening waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Somalia gacan kasiin doonaan sidii loo tababari lahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo horumarinta tala siinta Baarlamaanka Somalia iyo Dastuurka.

Idale News Muqdisho