Ururka Dhallinyarada Kanava ayaa guddoonsiiyay qalab Isboorti kooxda K/Cagta ee Raadsan, kaas oo ay ugu deeqeen naadiga dhallinyarada Isboortiga ee loo yaqaan TPS oo ka dhisan dalka Finland.
Guddoomiyaha ururka Dhallinyarada Kanava Salaad Xasan Cali oo deeqdaasi qalabka Isboorti ku wareejiyay kooxda K/Cagta ee Raadsan kaddib markii naadiga Isboorti ee TPS u soo wakiisheen.
Qalabkaan Isboorti oo kala duwan oo isugu jira Funaanadaha Isboortiga oo noocyo kala duwan ah ayaa waxay ugu talo galeen naadiga Isboortiga ee TPS oo ka dhisan dalka Finland inay ku dhiirigeliyaan ciyaartoyda kala duwan ee Soomaaliyeed isla markaasna ay kor ugu qaadaan mooralka ciyaartoyda.
Dhinaca kale Guddoomiyaha ururka Dhallinyarada Kanava Md. Salaad Xasan Cali oo guddoonsiiyay qalabkaas kala duwan ee Isboortiga kooxda Isboortiga Raadsan ayaa ka mahad celiyay naadiga TPS iyo Md. C/raxiim Cabdi Xuseen oo ka mid ururka Dhallinyarada Kanava Finland dadaalka ku wajahan wax u qabashada iyo gacan ka geysashada howlaha Isboorti ee dalka Soomaaliya.
Ururka Dhallinyarada Kanava oo isagu ah urur ka shaqeeya arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, gargaarka, Isboortiga iwm ayaa wuxuu howlo kala duwan ka wadaa guud ahaan magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.
Idale News Muqdisho