Munaasabadan oo ay sooq qabanqaabisay Marwada R/wasaaraha dalka xildhibaanada Caasho Xaaji Cilmi ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyin kakala socotay qeybaha ay bulshadu kakoobantahay iyo mudaneyaal katirsan baarlamanka Soomaaliya.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ugu horeyn goobta kahadlay ayaa sharaxay sida ay shareecada islaamku uxurmeysay haweenka iyo sida ay uu uga reebanyahay kufsiga iyo gabood falada kabaxsan dhaqanka Islaamka.
Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya go’aanka ay ka qaadatay cidii kufsi lagu helo oo ah dil toogasho ah taas oo ay sida uu xusay ay dhigeyso shareecada islaamku in latoogto cidii geysata kufsi awood loo isticmaalay.
Calis Sheekh Yaasiin “Cali fadhaa” oo kasocday shirkada isgaarsiinta hormuud ayaa goobta kasheegay in shirkadaasi ay ugu deeqday ol olaha la dagaalanka kufsiga lacag dhan 10,000 oo doolar taas oo gogol dhig u ah sidii loo caawin lahaa dadka uu saameynta kuyeeshay.
Guddoomiyaha xuquuqul insaanka baarlamanka Soomaaliya xildhiabanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa iyana goobta ka sheegtay in baarlamanka Soomaaliya uu diyaar u yahay sidii ay u ansixin lahaayeen awaamiirta madaxda Qaranka ee ku aadan sharciyeynta in la toogto cidii kufsi ugeysta gabar Soomaaliyeed.
Marwada R/wasaaraha dalka xildhibaanada Caasho Xaaji Cilmi oo muddo kabadan 20 sanadood u dhaqdhaqaaqeysay xuquuqda haweenka Soomaaliyeed islamarkaana ku heshay abaalmarino caalami ah ayaa sheegtay in ol olahan uu kudhashay markii ay aragtay haween Soomaaliyeed oo kufsi loo geystay taas oo ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed aysan u kala harin sidii dalkeena looga cirib tiri lahaa si uusan dib ugu soo laabtan madaama aysan Soomaalidu caado ulaheyn kufsi iyo wax weliba oo lagu luminayo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii hobolada Qaranka ee Waaberi ayaa goobta kusoo bandhigay Riwaayado iyo heeso wacyigelin ah oo muujinay sida ay usareyso xuquuda haweenka iyo sida ay lagama maarmaan utahay in la dhowro.
Idale News Muqdisho