Gudoomiye Libaan Cali Yaroow oo Dacwad Dhageysi u Jooga Magaalada Baydhabo

0
389

Baydhabo (INO)—Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya, Liibaan Cali Yaroow ayaa Magaalada Baydhabo waxuu ka bilaabay dhageysiga dacwad loo heysto Rag lagu eedeeyay ka dambeynta weerar dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Raggan oo tiro ahaan gaaraya 4 Ruux ayaa Maxkamada horey waxey ugu riday Xukun dil ah iyadoo ay markale Maxkamada Sare ragganai dilka lagu xakumay u gudbiyen racfaan taasi ay keentay in dhageysiga dacwadooda ay markale ka bilaabato Magaalada Baydhabo.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Cali oo la Hadley Warbaahinta ayaa ku baaqay in Ragan lagu qaado ama la marsiiyo Sharciga ay mudan yihiin.

Dhawaan ayee aheyd markii Qarax ismiidaamin ahaa ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, kaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Idale News Online, Baydhabo