Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in labo bil lagu kordhinayo waqtiga ay dhaceyso doorashada

0
307

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in isaga iyo Guddoonka Baarlamaanka ay ka wada hadleen in labo bil lagu kordhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya oo ku beegneyd bisha September.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka dooda jimcaha oo shalay ka baxayay Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda, ,isagoo cadeeyay in muddo kordhintaas aanay wax dhibaato ah ku keeni doonin hanaanka looga gudbayo doorashada sanadkan 2016.

“Waxaa rajeyneynaa hadii Baarlamaanka arrintaas si dhaqse ah ku guda galo doorashada waqtigeeda waa ku dadaaleynaa inaan isla waqtiga ku saleyno, hadii ay dhacdo ayadoo la shaqeynayo farsamo ahaan wax yar ku darsoomaan muhiim waxaa ah inaan waqti iska qaadin, waa jirtaa anaga iyo Guddoonka inaan ka wada hadalnay in labo bil la siiyo Xildhibaanada si ay olole u sameeyaan, qadarin weyn ayaa siineynaa hadii dib u dhacno wax badan dib uma dhici doono 2016 gudaheed ayay doorashada ku dhaceysaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Mar la weydiiyay hanaanka loo soo xulayo doorashooyinka aqalka sare iyo aqalka hoose inay qaab musuq maasuq ku dhacaan, maadaama maamul goboleedyada ay ka qeyb qaadanayaan soo xulista ayuu xusay in aanay musuq maasuq dhici doonin.

“Wax hal qolo kaligeed sameyneyso ma ahan, waxaa la keenayaa dhex dhexaadiyeyaal isugu jira Shisheeye iyo dad Soomaaliyeed oo kor joogaya arrintan, waa adkaan doontaa in musuq maasuq ay dhacdo, meel kasta oo doorashada ka dhaceysa, dhex dhexaadiyeyaasha iyo warbaahinta ayaa goob joog ka noqonaya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshahan horu dhaca ah ee ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa macnaheedu yahay in doorashada ay dhacdo bisha December, bedelkii la filayay inay dhacdo bisha September ee soo socota.

Lama oga sida arrintan u aqbali doonaan Maamul goboleedyada, maadaama heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 12-kii bishan April uu dhigayay in doorashada ay dhacdo bisha September.

Muddo kordhinta loo sameeyay doorashada ayaa loo arkaa mid Xildhibaanada Baarlamaanka ay galaan gal ugu sameyn karaan sidii ay mar kale dib u soo laabtaan, maadaama xilligii horay loo qorsheeyay oo ah bisha September ay ka harsan tahay afar bilood kaliya, isla markaana Baarlamaanka kalfadhigiisa u soo xirmayo bisha Agosto.

Idale News Online, Muqdisho