Dhageyso:Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Maanta Baareysa Rag Lala Xiriirinayo Al-shabaab

0
507

Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koobaad ee ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan magaalada Beydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegay in halkaasi ay ugaareen sidii loo kala saari lahaa dad la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Waxaana la sheegay ragaas in ay ka dambeeyeen qaraxyo iyo waliba dilal ka dhacay magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ragaas Maxkamadda la horkeeni doono si loo ogaado kiisaska loo heysto.

Waxaana dhanka kale uu sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo iyaguna la sheegay in ay geysteen tacadiyo lana horkeeni doono Maxkamadda.

Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koobaad ee ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in dhamaan deegaanada Koonfur Galbeed ay ka hirgelin doonaan Maxmadda Gar Guurta.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo