Dowladda Uganda iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlaya bixinta dhaqaalaha AMISOM

0
365

Kampala (INO)—Dowladda Uganda ayaa Ururka Midowga Afrika waxey kala hadleysaa howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka yihiin Ciidamo ka soo jeeda Dalkeeda.

Isagoo la hadlayay Wakaalada Wararka Xinhua, Afhayeenka Ciidamada Militariga Dalka Uganda, Korneel Paddy Akunda ayaa waxuu sheegay in wada-hadalka labada dhinac uu ku saleysan yahay sidii loo heli lahaa mushaarka ka maqan Ciidamada Uganda ee ku sugan Somalia.

Korneel Paddy Akunda ayaa sidoo kale waxuu carabka ku dhuftay in Dowladda Uganda dhawaan ay Soomaaliya kala soo baxday ku dhawaad 2,000 oo Askari oo kuwaasi oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM.

Uganda ayaa Somalia waxaa ka jooga 6,000 oo askari oo qayb ka ah howlgalka Nabad Ilaalada ee AMISOM, kaasi oo lagula Dagaalamayo khatarta Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Ciidamada Uganda ayaa dhawaan Ururka Midowga Afrika waxey ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen bixinta dhaqaalaha Ciidamada fulinaya howlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Kampala