DhageysoWareysi:Maamulka Gobolka Bakool Oo Amaro Ku Bixiyey In Guud Ahaan Degmaaoyinka Iyo Degaanada Katirsan Bakool Laga Saaro Al Shabaab

0
341

Hudur(INO)_ Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay oo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanno duleedka ka xiga degmadaasi.

Mustafe Aadan Xuseen oo ah Gudoomiye ku xigeen magaalada Xudur ayaa u sheegay Idale News in ciidamada is garabsanaya ay gaareen deegaanno dhowr ah oo ku yaalla duleedka magaaladaasi.

Wuxuu sheegay inay maamul u sameeyeen meelihii ay tageen isla markaana ay soconayaan howlgallo lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay inay ka qeyb yihiin falalka ammaan darri.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay howlgallo lagula dagaallamayo ka sameeyeen deegaanno badan oo ku dhaw degmada Xudur, waxaa shabaab laga qabsaday deegaanno badan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ciidamada dowladda KG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan dambe waday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxayna howlgalladaan inta badan ka socdaan gobollada Baay,  Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Wariye Shukri Ismaaciil

W/Q:Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}