Qaramada Midoobey Oo Ka Deyrisay Xaalada Magaalada Xalab Ee Dalka Suuriya

0
314

Xalab(INO)— Qaramada Midoobey ayaa ka deyrisay xaalada magaalada Xalab ee dalka Suuriya, kadib markii dad badan lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah.

Weeraro cirka oo lagu qaaday goobo ay ku jirto Isbitaal ay gacanta ku heyso Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa waxaa lagu dilay 27 ruux, halka 30 kalena ay ku dhinteen weeraro kale oo ka dhacay magaalada.

Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in xaalada magaalada Xalab ay sii xumaaneyso, iyadoo xaalada bani’aadanimo ee ka jirta ay aad u sii liidato

Dowladda Suuriya ayaa wali duqeymo ku wada magaalada Xalab, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay ay ku dhinteen duqeymahaas illaa 200 oo ruux.

Heshiiskii xabad joojinta Suuriya ayaa dhowr jeer la jebiyay, waxaana quus laga muujinayaa wada hadaladii Nabadda ee Suuriya, kadib markii mucaaradka ay isaga baxeen wada hadalada.

Idale News Online, Xalab