Dhageyso:Bajaajleyda Baydhabo Iyo Wasaarada Gadiidka Koonfur Galbeed Soomaliya Oo Isku Wareersan

0
455

Baydhabo(INO)- Maalintii Lasoo Dhaafey Ayaa Waxaa Hakad Ku Jirey in Magalada Baydhabo Ay Ka Shaqeyaan Mootooyinka Loo Yaqaano Bajaajka Ama Dhudhuleyda Kadib Markii Laamaha Amaanka Koonfur Galbeed Soomaliya Ay Soo Saareen In Dhamaanba Laxareeyo Bajaajya Ka Howlgala Magalada Baydhabo iyo Kuwa Isu modaa Tulooyinka Kale.

Laamaha Amaanka Koonfur Galbeed Soomaliya Ayaa Waxaa Ay Shegeen Ineysan Rabin In Ay Dhibateyeen Dadka Kashaqeysta Bajaajyada Ay doonayaan In Ay Sugaan Amaanka Guud Ee Magalada Baydhabo Kadib Markii Dhawaan Dagaal uu Ka Dhacay Duleedka Baydhabo Oo Halkaasi Ku Dagaalamey Ciidamada Gaarka Ah Ee Koonfur Galbeed Soomaliya Iyo Uaraka Al Shabaab.

Gudiaga Bajaajleyda Xasan Maxamed Cabdullaahi Ayaa Waxaa Uu Idalenews.com ugu Warbixiyey Sababta Loo xirey Iyo Markii Lasoo Fasaxey Sida Ay U la hadleen Ciidamada Iyo Laamaha Amaanka Ka Howlgala Magalada Baydhabo.

Magalada Baydhabo Ayaa Waxaa Ka Howlgalaa Ku dhawaad 600 Oo Bajaaj Ah Oo Ka kalshaqeyaan Baydhabo Iyo Degaanada Kale Ee Hoos Yimada.

Wasaarada Gadiidka iyo Garoomada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ayaa Waxaa Ay Sheegtey In Ay Wado  Tira Koob Oo Lagu Wado Bajaajyada lagu Tirakoobayo Qaar Wasaarada Ay U Diwaan Galisan Iyo Kuwo Kale Oo kamaqan Ciiwaanka.

Wasiirka Gadiidka Cirka Iyo Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed black Ayaa Waxaa Uu Sheegey In loo baahan Yahay In Ay U hogaansimaan Wasaarada Gadiidka Si Aan U Imaanin Amaandaro Dhanka Iyo Bajajyada.

Wasiirka Gadiidka Cirka Iyo Dhuulka Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed black Ayaa isna Idalenews.com Ugu Waramey Waxyaabaha Looga Baahan Yahay in Ay Maraan Dadka Kashaqeysata Bajaajyada Kuna Wadaa Magalada Baydhabo.

Gudiga Bajaajleyda Magalada Baydhabo Xasan Maxamed Cabdullaahi Iyo Wasiirka Gadiidka Cirka Iyo Dhuulka Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed black Oo Wareystey Wariyaha Idalenews.com Cabdullahi Nuur Aadan (Jecelow).


W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}