Dowlada UAE oo sheegtay in Mashaariic horumarineed ay ku fulineyso Soomaaliya

0
435

Abu Dubai ( INO)-Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta, Sheekh Cabdullaahi Bin Zayed Al Nahyaan ayaa Wasiirka Arimaha Dibadd ee Xukuumada Soomaaliya, C/salaan Hadliye waxuu kula kulmay Magaalada Abu Dubai ee Xarunta ee Dalkaasi.

Wasiir Al Nahyaan ayaa dhigiisa Dalka Soomaaliya, C/salaan Hadliye  Cumar waxa uu u balan qaaday in Dowladdiisa ay kordhin doonto mashaariicda horumarineed oo ay ka wadaan Dalka Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxey faaqideen waxyaabaha ay Soomaaliya u baahan tahay in laga saacido xilligan la joogo, maadaama Dalka Soomaaliya ay dhawaan ka dhici doonaan Doorashooyin.

Dhinaca kale, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/salaan Hadliye ayaa soo dhaweeyay kaalmada Isutaga Imaaraadka Carabta ay siiso Dowlada Soomaaliya.

Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa safka hore waxey uga jirtaa Dowladdaha Soomaaliya ka taageera dhaqaalaha iyo tababarka Ciidamada iyadoona xusid mudan in Imaaraadka Carabta ay tababaro gaar ah ku siiyeen Ciidamada lagu magacaabo Danab gudaha Magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Dubia