AMISOM oo sheegtay in ay dhowreyso Xuquuqul Insaanka

0
413

Muqdisho ( INO)-Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ( AMISOM ) aya sheegay in ay diyaar u yihiin dhowrista Xuquuqda Aadanaha sida uu sheegay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira.

Mr Nadeira oo dhawaan ka qeyb galayay Tababar looga hadlayay Xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay ilaalin doonto Xuquuqda Aadanaha isagoo intaas ku daray in ay baari doonaan Ciddii ku xad gudubta Xuquuqda Aadanaha ee ka tirsan AMISOM.

AMISOM ayaa Dhowr Todobaad ka hor waxa ay meel ku dhow deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dileen 4 qof oo ay ka mid ahaayeen Haweeney da’ ahayd iyo Gabar yar oo 9 jir ahayd kuwaas oo  saraakiisha AMISOM ay ka andacoodeen in ay ka shakiyeen gaari ay la socdeen oo ay ku tuhmeen Al Shabaab.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in si Madax banaan loo baari doono tacadiyada ,  Ciidamadooda ay u geystaan dadka rayidka , islamarkaana ay diyaar u yihiin la xisaabtan wuxuuna intaas sii raaciyay in haddii aysan dhowrin xuquuqul Insaanka in aysan waxba ka bedelnaan doonin Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hay’adaha u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa ku eedeeya AMISOM in ay ka geysteen dalka gabood fallo iyo tacadiyo ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Idale News Online, Muqdisho