Dhageyso:Taliska AMISOM oo beenisay in ay Daacish ku weerartay Soomaaliya

0
434

Muqdisho(INO)-Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu jiray isku day weerar oo ka dhacay Deegaanka Tareedisho, oo qiyaastii 13km u jirta Magaalada Muqdisho, balse aanu waxyeelo weerarkaasi ka soo gaarin Amisom.

Ururka Daacish, ayaa Shalay Galinkii Danbe  sheegtay in weerrarkii ugu horeeyay oo ay ka gaysteen dalka Somaliya, ay ku burburiyeen mid ka mid ah kolonyada Ciidanka Amisom.

Korneyl Joe Kibet, Afhayeenka Ciidanka Amisom, ayaa sheegay in  Shalay uu jiray qarax ka dhacay Deegaanka Tareedisho, hase ahaatee uu qaraxaasi dhacay, xilli ay goob isgoys ihi ka gudbeen gaadiidka Amisom.

“Waxaa jiray isku day weerar saacaddu markay ahayd 11:00 illaa 11:15 barqanimo ee shalay  lagu qaaday mid ka mid ah kolonyadeena oo ka gudbeysay meel isgoys ah oo 13 u jirta Muqdisho, markii ay isgoyska dhaafeen ayaa qarax dhacay, waxayna isku dayeen in baabuurta ay la eegtaan qarax miino, balse waxay qaraxday miinadu, xilli ay kolonyadu dhaaftay.

“Argagaxisadani wax kasta way iska sheegtaan, qof walba ayaa iska sheegan kara inuu yahay Daacish, illaa iyo hadda anagu maanan arag wax cadayn kara arrintan, iskumana dhicin Daacish, Mana aaminsani inay Daacish tahay.” Ayuu yiri Joe Kibet.

Korneyl Kibet, ayaa xusay in weerarkani uu u maleynaayo inay gaysteen garab ka mid ah Xoogaga Ururka Al Shabaab, isla-markaana aanu kala cadayn karin joogitaanka Daacish ee goobaha ku dhow dhow Caasimadda.

“Waxay ila tahay inay gaysteen mid ka mid ah unugyada Al Shabaab oo sheeganaaya inay yihiin Daacish, kamase warqabo joogitaanka Daacish ee agagaaraha Magaalada Muqdisho.” Ayuu sii raaciyay Kibet.

Weerarkan, ayaa wuxuu noqonayaa in markii ugu horeysay Ururka Daacish lagu maqlo agagaaraha Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here