Waajid ( INO)-Col Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ( Tima Cade) Taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobolka Bakool oo la hadlay Shabakadda IdaleNews.com ayaa waxa uu sheegay in ay fashiliyeen Ciidamada dowladda weerar ay Al Shabaab ku soo qaadeen degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Taliyaha ayaa sheegay in markii ay ka war heleen weerar kaga soo fool leh dhanka Al Shabaab ay ka hortag ku sameeyeen , isagoo hoosta ka xariiqay in iska caabin ay kala kulmeen dagaalamayaasha Al Shabaab , walow sida uu sheegay markii dambe ay dib u gurteen.
Sidoo kale Col Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ( Tima Cade ) ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo Ciidamada dowladda ay ka wadaan Gobolka Bakool , waxaana uu ku nuux nuuxsaday in inta badan deegaanada Gobolkaasi Bakool ay Ciidamada dowaldda gacanta ku hayaan, marka laga reebo deegaanno fara ku tiris ah oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Taliyuhu waxa uu ka dhawaajiyay in ay dhawaan isku furi doonaan , wadada xiriirisa Waajid iyo Xudur oo ay Al Shabaab go’doomiyeen.
Ugu dambeyn Al Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay weerareen Saldhigyo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayna khasaarooyin kala duwan ku gaarsiiyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Idale News Online, Waajid