Dhageyso:Shir Dib u Heshiisiin Ah Oo Ka Furmay Magaalada Marko Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
437
MarkoINO)- Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose waxaa ka furmay shir dib u heshiisiin ah kaasi oo la doonayo lagu soo afjaro  dagaaladda xiriirka ah ee ka taagan Degaanada Gobolkaasi.

Waxaa shirkan la’isugu keenay dad kala matalaya beelaha isku haya gobolkaasi, waxaana shirkaan uu daba socdaa shirar horay uga dhacay gobolkaasi.

Kulan Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed ay ku yeesheen Magaalada  Baydhabo goor hore oo shalay ah waxa ay ku sheegeen in muhiim  ay tahay in la soo afmeero dagaallada  sanadaha badan ka taagan Shabeelaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed oo la hadlay IdaleNews.coms waxay sheegeen in dadaal xooggan ay ugu jiraan sidii lagu soo afjari lahaa colaadda ka jirta Shabellaha Hoose.

Ugu dambeyntii, Koonfur Galbeed ayaa hadda usoo jeestay xallinta beelaha ku dagaallamaya gobolkaasi, kuwaa oo dad u badan shacab aan waxbo galabsan iska kala dilay.

Halkan Ka DHAGEYSO

Idale News Online, Marko

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here