Dhageyso:Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0
398

Muqdisho(INO)—Ciidamada Hey’adda Nabadsugida ayaa xalay gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kadib howl gal gaar ahaa oo laga fuliyay degmada Kaxda ee koofur galbeed magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in howl galada ay ahaayeen kuwo gaar ah, waxaana uu xusay in Sarkaalka la soo qabtay lagu magacaabo Xasan Fanax.

Waxaa uu sheegay in xalay ciidamada ammaanka ka soo qabteen degmada Kaxda ee Koofur galbeed Muqdisho, waxaana uu intaa ku daray in howl galkaas u dhacay si nabad ah oo aan wax iska caabin ah lagala kulmin.

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta laga soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan uu horay u hogaamiyay dagaalo iyo weeraro lagu qaaday Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta Ammaanka ay xalay kormeero ku sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho, halkaasoo howl galo amni ka socdeen.

Idale News Online, Muqdisho