Dowlada Mareykanka oo 250 Askari u dirayso dalka Syria

0
292

Washington(INO)-Mareykanka ayaa la sheegayaa inuu qorsheynaayo in ciidamo dheeraad ah uu u diro dalka Syria oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Mucaaradka, Daacish iyo Ciidamada Dowladda Syria.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Barack Obama, uu 250 askari oo milateri ah oo dheeraad ah uu u dirayo waddanka Syria, si ay maleeshiyaadka maxaliga ah uga taageeraan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Qorshaha Mareykanka uu arintaan ka leeyahay ayaa la sheegay inay tahay sidii Carab badan oo Sunni ah loogu dhiiragelin lahaa inay ku biiraan Xoogaga Kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga Syria.

Ciidankaan Mareykanka ah ee 250 Askari ah, wax dagaal ah kama qayb qaadan doonaan, laakiin waxa ay sameyn doonaan dhiiragelin ku aadan in lala dagaalamo Ciidamada Daacish.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inay adag tahay dhinacyada ku dagaalamaya Syria inay sameeyaan goobo dadka Qaxootiga ah ay degaan oo ammaan ah, si dadka aysan waxyeelo uga soo gaarin dagaalada.

Dalka Syria waxaa ku dagaalamaya Xoogaga Daacish iyo ciidamada Dowladda Syria, iyadoo ay jiraan Xoogag kale oo Dowladda Mucaarad ku ah oo dalkaasi dagaal ka wada.

Idale News Online, Washington