Daawo: Gollaha Wasiiradda Dowlada KGS Oo Maanta Shir Deg Deg Ah Ku Dhexmarey Madaxtooyada

0
455

Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiirada  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Maanta Shir Deg Deg Ah Isugu Yimaadeen,  isla markaaana Waxaa Shir Gudoominayey Ku Simaha Madaxweynaha Ahna Wasiiraka Hub ka dhigista, Dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed.

Halkan Ka Daawo Warbxinta Wariye Maxamud Ibrahim Timacade

Shirka Gollha Wasiiradda Ee Maanta Waxa looga hadley Howlgalo Mudooyinkii Ugu Danbeeyey Ka Socdey Gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliua Gaar Ahaan Kii Ugu Danbeeyey ee Ka Dhacey Deegaanka Reydab Oo U Dhow Degmada Buur Hakaba Ee Gobalka Bay iyo sidoo kale Dhibaatooyinka ka Taagan Gobolka Shabelleha Hoose.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshaddda Dowlada Koonfur Galbeed Xassan Cabdi Maxamed oo kulanka ka dib Saxaafada la hadlay waxaa uu sheegay in weerarkii maanta ka dhacay Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay Saraakiil Shabaab ah oo isugi jira Soomaali iyo Ajnabi Ay Ku Dileen Ciidanka Gaarka Ah Ee Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gollaha Wasiiradu waxaa ay sidoo kale ka hadleen dhibaatooyin dad shacab ah loogu geystay Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelada Hoose Oo Ay Ka Mid Tahey Degmada Marka Ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose Iyo Deegaano Kale.

Ugu dambeyntii, Ciidinka Gaarka Ah Ee Koonfur Galbeed Somaaliya Waxaa Mudooyinkii Danbe Ay Wadeen Howlgallo Ka Dhan Ah Alshabaab Iyo Sidii ALshabaab Loogu Sifeyn Lahaa Gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Maanta

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here