Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo U Guureyso Caasimada Baraawe Ee Gobolka Sh/Hoose

0
872

Baraawe(INO)- Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhawaan u guurto Caasimadda rasmiga ah ee Dowlada oo ah magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose,iyada oo uu hadda si ku meel gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,halkaas oo lagu aasaasay.

Guddoomiyah Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose  Xuseen Barre Max’ed oo la hadlay warbaahinta Idalenews.com  ayaa sheegay in in dhismaha Madaxtooyada,Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Baarlamaanka maamulkaasi ay hadda dhamaad ku dhowdahay islamarkaana mar dhow ay filayaan in Maamulka Koofur Galbeed uu si rasmi ah ugu shaqeeyo Baraawe.

Barre,waxaa uu sheegay in Todobaadka soo socda ay dhici doonto in Dowlada Koofur Galbeed uu Rasmi ahaan ugu wareegto Baraawe,maaddaama wax kasta la dhameystiray islamarkaana hadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta madaxda Maamulka ee  ku wajahan Baraawe.

Xildhibaannada iyo Gollaha Wasiirrada Koonfur Galbeed qaarkood ayuu sheegay in hadda ay ku suganyihiin Baraawe,islamarkaana ay qiimeynayaan sidii Dowladu ay u tagi lahayd xaruntiisa rasmiga ah.

Halkan Ka Dhageyso

 Idale News Online, Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here