Drs Xaawo Xasan Maxamed:” Cudurka ka Dilaacay Deeganada Jubooyinka Waa Shuban Biyood”

0
387

Muqdisho(INO)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo warbaahinta la hadashay ayaa ka hadashay cudur lagu sheegay in uu shuban Biyood yahay, oo dhawaan ka dilaacay deeganada Gobolada Jubooyinka.

Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in  82 qof uu soo ritay cudurkaan  lagu sheegay in uu shuban Biyood, yahay kaasi oo 12 qof oo ka mid ah dadka uu soo ritay ay ugu geeriyoodeen deegaanno hoostaga Gobalka Jubbada Dhexe.

“Magaalada Bu’aale oo ah Magaalo Madaxda Gobalka Jubbada Dhexe wuxuu cudurku soo ritay 21 qof, hal ruux oo kamid ahna uu u dhintay, magaalada saakoow waxa uu cudurku soo ritay 54 qof, 11 ayaa u dhimatay, Halka Magaalada Jilib uu cudurka  soo ritay 7 qof, mana jirin wax dhimasha ah ayay tiri wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa tilmaamtay in ka wasaarad ahaan ay garab taagan yihiin dadka uu soo ritay cudurka shuban Biyood ayna gar-gaar  gaarsiin doonaan goobaha ay ku sugna yihiin dadkaas.

Idale News Online, Muqdisho