Muqdisho ( INO)-Kolonyo Ciidamada AMISOM ay la socdeen ayaa maanta qof rayid ah ku jiiray Magaalada Muqdisho.
Goob Jooge IdaleNews.com la hadlay ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay Isgoyska Km4 iyadoona mid ka mid ah dadka shacabka ah ee marayay Isgoyskaasi Gaari Ciidamada AMISOM uu jiiray.
Intaas kadib ayaa shacabka wadada marayay waxa ay isku geedaamin Gaadiidka AMISOM iyadoona lagu qasbay in ay qaadaan qofkaasi shacabka ah eeay jiireen.
Dhaawaca ay u geysteen gaadiidka AMISOM muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu ahaa dhinaca lugaha oo dhaawac daran uu ka soo gaaray.
Daawo Sawiiro:-