Faah Faahin: Ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya iyo Dadka Degaanka Ee Gobolka Galgaduud Oo Maanta Dagaal Ba’an Dhexmarey

0
723

Dacdheer ( INO)-Wararka aan ka heleyno deegaan dhaca xadka ay wadaagaan Gobolka Galgaduud iyo Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia , ayaa waxa uu sheegayaa in dagaal khasaaro sababay uu ku dhexmaray Ciidamada Liyu Police iyo dad xoolo dhaqato ah Tuulo Lagu Magacaabo Furunta Four ee ku dhow deegaanka Dacdheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo illaa iyo hadda socda ayaa yimid sida la sheegay kadib markii Ciidamada Liyu Police ay weerar ku soo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo degan tuulada Furunta Four oo ah halka ay xadka ka wadaagaan Gobolka Galgaduud iyo dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Mid ka mid ah dadka deegaana oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in illaa 10 qof oo xoolo dhaqato u badan ay ku geeriyoodeen inkabadan 5 kalana ay ku dhaawacmeen dagaalkaas, waxaana uu intaas ku daray in dadka ku dhaawacmay dagaalka loo qaaday Isbitaalka Cadaado.

Ciidamada Liyu Police ayaa duulaan joogta ah ku soo qaada dadka xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ah ee ku nool deegaanada ay xadka kala wadaagaan Galgalgaduud   si ay u barakiciyaan dadkaas, waxaana xusid mudan in khasaarooyin ay ka dhashaan weerarada ay soo qaadaan Ciidamada Liyu Police.

Idale News Online, Dacdheere