Xoghayaha Guud ee Ururka NATO oo ka digay sii socoshada Tahriibka

0
329

Ankara (INO)—Xoghayaha Guud ee howlgalka Ururka NATO, Jens Stoltenberg oo booqasho ku yimid Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga ayaa ka digay sii socoshada Tahriibka, maalmo un kadib markii ku dhawaad 500 oo Qof ay ku dhinteen Biyaha u dhaxeeya Dalalka Liibya iyo Talyaaniga.

Xoghaye Jens Stoltenberg ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in laga hortago Kooxaha Doonyaha yar yar wax ku soo tahriibiya, maadaama Doonyahaasi oo uu ku tilmaamay kuwa aan loogu talagelin in ay racaan Dad badan.

Isagoo hadlkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in weli ay taagan tahay dhibaatooyinka ay geysanayaan Kooxaha muqalasiinta ee Dadkaasi sida sharci darrada u soo tahriibiya.

Waxaa Xoghaye Jens  uu tilmaamay in Ciidamada Howlgalka NATO ay gacan ka geysan doonaan ka hortaga qul qulka Muhaajiriinta doonaya Xeebaha Wadamada Yurub.

Dhawaan ayee aheyd Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNCHR ay xaqiijisay in Dooni ay la socdeen ku dhawaad 500 in ay quustay biyaha Biyaha Madetereeniyaanka oo u dhaxeeya Dalalka Liibya iyo Talyaaniga.

Idale News Online, Ankara