Muqdisho ( INO)-Wakiilka Midowga Yurub ee arimaha Soomaaliya, Danjire Michele Cervone Durso ayaa ku baaqay in la joojiyo Xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday Magaalooyinka Afgooye iyo Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Danjire Michele ayaa sheegay in Shacabka ku dhaqan Magaalooyinka Afgooye iyo Marka ay u baahan yihiin Nabad iyo xasilooni, isagoona ku celi celiyay in si deg deg ah loo joojiyo Xiisadahaasi.
Wakiilka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xiisadaha ka soo cusboonaaday Deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Gobolka Shabeelaha Hoose in ay isku yimaadaan islamarkaana wax waliba ay ku dhameeyaan wada hadal.
Idale News Online, Muqdisho