Baydhabo(INO)- Daladaha ku midoobey Jaaliyadaha Koonfur Galbeed ee ku nool Wadanka SWEDEN ayaa Maanta waxay Taakule Dhaqaale iyo Maro kaneecooyin u qaybisay 3 Goobood oo kala ah Bukaanada ku jira Isbitaalka Degmada Baydho , Agoonta ku jirta Xarunta Agoonta Baydhabo iyo Dadka Miyirka la’.
Gargaarka Dhaqaale ayaa loo soo wakiishey Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Badbaadada Koonfur galbeed Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar , Waxaa mahadnaq ka jeediyey Agaasime Ku xigeenka Isbitaalka Magaalada Baydhabo Axmed Ciro iyo Abwaanka weyn ee Abwaan tarash ayagoo sidoo kale u mahadceliyey Daladaha jaaliyadaha ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku nool Wadanka Sweden.
Abwaan Tarasha Markuu arkey Caruurtii Agoonta aheyd ee aad u tira badnaa ayuu ilmeeyey isagoo hadli waayey , waayo Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan agoon aad u fara badan oo aabo iyo Hooyo laheyn .
”Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jira shaqo la’aan Baahsan sababtoo ah , Maanta ayaa waxaa ii yimid Dad aad u tira badan oo ka muuqato Baahi iyo dhaqaale la’aan , kuwaasoo ah dadka reer magaalka ah oo aan tagi karin Xarumaha Barakacayaasha iyo Goobaha Kale ee wax lagu qaybiyo , iyagoo ka xishoonaya goobahaas kuwaasoo Maqleen Howsha aan wadno , markaas ayaa waxay yimaadeen Xafiiska Golaha Badbaadada KG , halkaas oo ay naga codsadeen inaan siino wax dhaqaalo ah ama loo codsado” ayuu yiri Idriss Cabdi Dhaqtar.
Idale News Online, Baydhabo