DEG DEG:Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
293

Marko(INO)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino oo khasaare geystay uu goor dhaw halkaasi ka dhacay.

Gaari nooca Kaaribta loo yaqaan islamarkaana ay saarnaayeen Labo qof ayaa la sheegay inuu ku istaagay Miino ku aasneyd dhulka, halkaasi oo qaraxa uu ka dhacay.

Hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, mid kalena waa uu ku dhawacmay, kuwaasi oo ahaa dadkii saarnaa gaariga sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Marka.

Gaarigan qarxay ayaa magaalada Marka geyn jiray khaatka, waxaana uu Miinada ku istaagay xilli la doonayey in lagu xareeyo geerash halkaasi ku yaallay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Idale News Online, Marko

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here