Laascanood{INO} Dhallinyaro is abaabushay oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay waday howlo ay ku dhireynayaan xarumaha danta guud ee magaaladaas. Dhallinyarada ayaa sidoo kale dadka ka wacyigeliya waxyaabaha dhibaatada ku haya deegaanka ee ay bacdu ka mid tahay.
Cabdiweli Yaasiin Suudi oo ah guddoomiyaha Naadiga Horumarinta Deegaanka iyo Bulshada oo ay ku midoobeen dhallinyaradaas ayaa Idalenews.com u sheegay inay ka kooban yihiin 25 dhallinyaro ah oo 15 ay gabdho yihiin. “Markii aan aragnay bilicda magaalada inay liidato oo dhirta ay ku yar tahay, ayaan go’aansannay inaan howshan qabanno,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay inay ilaa hadda 300 oo geed ku beereen dugsiyo, isbitaallo, jaamacado, waddooyin iyo meelaha dadku ku kulmaan ee bartamaha magaalada. Dhirta ay beereen ayaa isugu jirta ubaxyo iyo geedo ay ugu talagaleen in la harsado.
Dhirta waxay ka soo iibsadaan magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo Laascaanood u jirta 170 km. Halkii geed waxaa laga soo siiyay $3.5, iyadoo ay ku soo qaadeen gaari ay ku kireysteen $200. Laascaanood kuma taallo xarun lagu barbaariyo dhirta.
Xamdi Yuusuf Cawaale oo guddoomiye ku-xigeen ka ah naadiga ayaa Idalenews.com u sheegtay in aanay jirin cid horay isugu howshay inay dhir ku beerto goobaha ay dhireynta ka sameeyeen. Waxay xustay dhaqaale ay dhexdooda iska ururinayeen muddo lix bilood ah inay shaqada ku qabteen. “Gabdhaha ayaa dhiirrigelinta ugu badan wada oo qaarkood bixiya min $10, inkastoo qaaraanka aan isku qornay uu yahay qofkiiba $3 bil kasta” ayay tiri. Naadiga waxaa la aasaasay bishii Luulyo 2015.
“Dadku billowgii howsha markay na arkaan annagoo dhir beerayna waxay noo haysteen inaan iska ciyaarayno, maaddaama ay da’deennu aad u yar tahay,” ayay tiri Xamdi oo 18 jir ah. “Laakiin hadda dadku way na aqbaleen, waxayna arkeen inaan shaqo muhiim ah ka qabanayno deegaanka.”
Cabdixaafid Xasan Cabdiraxmaan oo dhallinyaradaas ka mid ah ayaa Idalenews.com u sheegay in xubno ka tirsan Naadiga ay u xilsaareen kormeerka goobaha ay dhireeyeen, si ay ula socdaan bedqabka geedka. Wuxuu tilmaamay inay dhirtu meelo badan uga baxday si wanaagsan. “Dhulka aan ku billownay wuxuu ahaa dhul qallalan oo hal geed aanu ku abuurneyn, haddana waa dhul isbeddelay oo cagaaran oo dhir badan ay ka muuqato,” ayuu yiri.
Dhallinyarada ayaa sidoo kale jara geedka garan-waaga ah ee ka baxa dhulka dooxada ah ee xoolaha ay daaqaan. Guddoomiyaha Naadiga ayaa sheegay in baaritaan ay sameysay Jaamacadda Nugaal lagu ogaaday in geedka garan-waaga uu is-hor-taago korriimaha dhirta kale. Sidoo kale wuxuu aaminsan yahay inuu geedkaasi dhibaato ku hayo nadaafadda deegaanka iyo dhirta ay xooluhu daaqaan. Dhallinyarada ayaa sidoo kale dadka ku dhiirrigeliya inay beddelka dhuxusha isticmaalaan gaaska wax lagu kariyo.
Magaalada Laascaanood oo dhul ahaan qallalan waa buuraley ay dhirtu ku yar tahay, mana jirin hannaan dhireyn oo laga hirgeliyay.
W/Q:wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}