New York(INO)- Wakiil gaar ah QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey doorashada sanadkaan la filaayo in ay ka dhacdo Soomaaliya .
Kulan ka dhacay magaalada New York, dalka Maraykanka ayaa warbixin looga dhageystay ergeyga QM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating, inta badan waxaa uu khudbadiisa diirada ku saaray arimaha siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha iyo arimaha bani’aadanimada ee ka jira qeybo kamid ah Soomaaliya.
Micheal Keating, waxaa uu si adag uga hadlaya dulaankii Al-Shabaab ay ku qaadeen puntland iyo Galmudug,isagoo sheegay in uu fashilmay weerarkaas, dadka shacabka iyo ciidamada Puntland iyo Galmudug ayuu sheegay in ay qaateen tilaabo muhiim ah maadaam ay Shabaab iska celiyeen.
Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay dhismaha dowladda goboleeyada, waxaana uu carabta ku dhuftay in maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu hadda meel wanaagsan uu maraayo inkastoo dib u dhac badan uu soo maray.
Wakiilka khudbadiisu meelo badan taabanaysay ayaa sidoo kale ka hadlay iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo AMISOM isagoo ku adkaystay in wax badan Soomaaliya iska badaleen sanadyadii la soo dhaafay.
“Iskaashiga sadex geesoodka ah oo u dhaxeeya dowladda Federalka, Midowga Africa iyo QM ayaa ah mid aas aas adag u ah nabaad iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya,” ayuu yiri mar kale .
Idale News Online, New York