Moscow(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa booqasho ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasoo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergie Lavrov.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ammaanka Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu xusay dadaalka dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ugu jiraan sidii ay u soo celin lahaayeen kala dambeyntii iyo nabada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, sidii mustaqbalka Soomaaliya iyo Ruushka u dhex mari lahaa xiriir ganacsi, isla markaana labada dal ay horumariyaan xiriirkooda, dhinacyada dhaqaalaha, bani’aadanimada iyo iskaashiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavrov ayaa sheegay inay Soomaaliya ka taageerayaal dhinacyo badan, sida dowlad wanaaga, hey’adaha dowladda, soo nooleynta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Ruushka iyo Booqashada Madaxweynaha ee Mareykanka ayaa isku mar isku soo beegmay, iyadoo la ogsoon yahay in Ruushka iyo Mareykanka aanu cilaaqaadkooda xaga siyaasada wanaagsaneyn, isla markaana ka dhaxeeyo dagaal qabow ah.