Donald Trump iyo Hillary Clinton oo guulo ka soo hoyay New York

0
365

Washington(INO)— Iyadoo heer gabo gabo ah uu marayo doorashada is reeb reebka ee musharaxiinta xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, ayaa waxaa mar kale guulo gaaray Donald Trump iyo Hillary Clinton.

Trump iyo Clinton ayaa guulo ka soo hoyay Gobolka New York, iyagoo ka guuleystay musharaxiinta la tartamayay.

Donald Trump ayaa si dhib yar kaga guuleystay musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ee loolanka kala dhaxeeyo ee Ted Cruz iyo John Kasich.

Mr Trump ayaa helay in ka badan 60% cod oo ah codadka 95% ergo ee u codeysay, halka Ms Clinton ay heshay 58%.

Labada musharax ayaa ugu dhow inuu soo baxaan doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee November, waxayna sii wataan guulahooda ay ugu dhowaanayaan in kama dambeys ay noqdaan Musharaxiinta u tartamaya labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here