Dhageyso Warbixin:Dhallinyarada & Dhibaatooyinka Tahriibka

0
634

Baydhabo(INO)- Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya isla markaana dagaallo sokeeye ka billowdeen soomaaliya, waxaa dhallinyarada soo food saartay dhibaatooyin isugu jira amni la’aan, shaqo la’aan iyo waxbarasho la’aan, taasoo ku qasabtay inay dalkooda ka hayaamaan.

Halkan Ka Dhageyso

Haddaba arrimaha tahriibka dhallinyaradu waxuu sababay in dhallinyaro badan naftooda ku waayaan khatar intii aysan gaarin meelihii ay ku socdeen.

tah

Qaar kale, markii ay gaaraan meelihii ay doonayeen waxay la kulmaan dhibaatooyin ka daran tii ay ka soo carareen sida harraad, gaajo iyo xarig intaba.

Tahriibka dhaliinyarada markii hore, wuxuu ka bilowday dhinaca Badda Cadan iyo Soomaaliya, iyadoo lagu dhoofaayo doomo ka baxa dekedda Boosaaso,  halkaasoo ay ka abuurmeen kooxo wax tahriibiya oo soomaali iyo yemeniyiin isugu jira.

Halkaa waxaa ku halaagmay dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdho isugu jira dhallinyaradaas oo ku socday dalka sacuudiga, intii nolol ku gaarta Yeman, waxay mar kale dhibaato kala kulmaan dhulka xudduudka Yemen iyo sacuudiga u dhaxeeya, halkaasoo iyana saldhig ka sameysteen kooxo burcad ah oo dhallinyarada u geysata falal dhac, jirdil iyo kufsi isugu jira.

Dhallinyaradani, markii ay ka gudbaan caqabadaha xadduudka Yemen iyo sacuudiga, oo ay tagaan sacuudiga waxay la kulmaan dhibaatooyin hor leh oo ah in aysan heleyn markiiba shaqo, inta ay raadinayaan shaqo waxay la kulmayaan dhibaato ah in la qabto oo la soo tarxiilo maadaama uusan sharci lahayn, waxaana dhacda in dhallinyaro badan la soo tarxiilo iyagoo hal maalin shaqeyn, oo aan la qiyaasi Karin dhibaatooyinkii ay kala soo kulmaan markii ay usoo tahriibayeen dalka sacuudiga, qaar kalena, waxay la kulmaan xabsi iyo jirdil inta aan la soo tarxiilin oo ay ku jiraan xabsiyada sacuudiga.

Dhinaca kale,waxaa furmay waddo kale ee tahriib oo ah badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhaxeysa, halkaaso ay ka abuurantay kooxo wax tahriibiya oo isugu jira liibiyiin iyo soomaali, waddo ka dhibaato badan waddadii yemen iyo sacuudiga, waxaa naftooda ku waayay boqolaal iyo in ka badan oo dhallinyaro soomaaliyeed oo doomo macmal ah kula qalibantay ama kaga cilladowday badda dhexdeeda.

Dhallinyaradaani inta aysan gaarin dalka liibiya waxay dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin kala kulmaan dhulka saxaraha ah ee u dhaxeeya suudaan iyo liibiya, taasoo isugu jirta, harraad iyo gaajo iyo jirdil kooxo burcad ah oo bartilmaameysta dhallinyarada tahriibka u socda waxayna weydiistaan lacag madax furasho ah.

tahriibka waddan ilaa ka waddan oo aad u dhibbadan weli wey socdaan, iyadoo xabsiyada dalka liibiya ku jiraan weli dhallinyaro soomaaliyeed oo u socda inay badda ka gudbaan iyo kuwo laga soo qabtay xeebaha iyagoo tahriibaya.

Waxaa kaloo jira, waddo saddexaad oo dhallinyaro badan u tahriibaan oo ah waddamada Kiiniya ilaa Koonfur Afrika, iyadoo lasii maraayo waddo dheer lagana gudbaayo xudduudaha dalalka udhaxeeyo Kiiniya iyo S/afrika, waxaana ku gacansiiya kooxo wax tahriibiyo oo ka jiro waddamada  bariga afrika oo sal dhiggoodu weyni yahay   Kiiniya isuguna  jiro  Soomaali iyo afrikaan kale.

dhallinyaradan  wixii dhib ah oo ay la kulmaanba markii  ay garaan S/afrika,   waxey ka shaqeystaan ganacsi yar yar balsa dhibaatada ugu weyn ee haysato waa dilka iyo dhaca joogtada ah oo ay ku hayaan dadka u dhashay S/afrikaanka dhallinyaradan sababaha loo dhibaateynayo, waxaa ka mid ah:-

habka tafaariiqda ee ay wax ku gadaan oo aan laga aqoon dalkaasi taasaana ka careysiisay ganacsatada waddankaasi oo isugu jira caddaan iyo hindi oo iyagu ganacsiga iyo warshadaha dalkasi gacanta ugu jiro, waayo qofka S/afrika wuxuu ku qasbanaa marka uu doonaayo hal qaado inuu darsin iibsado oo ah 12 xabbo , halka dhallinyarada soomaalidu ka iibiso qofkasto inta uu doonaayo walow halba ha ahaatee.

dhibaatoooyinka tahriibka dhallinyarada waxaa ugu weyn marka laga soo tago amni xumida dalka ka jirto shaqo la,aanta waxaana jirin fursado badan oo shaqo oo dhallinyaradu ka faa’ideysan karaan ,iyadoo fursado shaqo ee dalka laga heli karo oo kooban ka faa’iideysta dad ajnabi ah oo dibadda laga keenay, siiba hay,adaha gaarka loo leeyahay sida hotellada hay’adaha qarammada midoobay iyo AMISOM.

Tan  waxay sii saacideysaa dhaqaalo la’aanta dhallinyarada hay’adaha dowladda ayaa noqon kara meesha ugu weyn ee dhallinyaradu shaqo ka heli karaan , balse dhaqaale xumida heysata ma saamaxeyso in dhallinyaro badani shaqo helaan.

mar haddii dadka soomaalida canshuurta ku waajibtay aysan bixin, waayo canshuurtu waa naftaada ka qaad , waa naftaada uqaad , deeqaha caalamku nasiiyo waa daqliga canshuurta dadkiisa.

Annagu haddii aan soomaali nahay mannaqaanno xukumadda canshuurta loo bixinaayo, waxaan ka jecel nahay inaan laaluush siino saraakiisha iyo shaqaalaha canshuuraha qaado, tasoo ah daqli qof jeybkiisa ku dhaceysa balse aan saacideyn horumarka dalka iyo dadka dhinaca kale, ma jiraan hay’ado dhallinyarada ka saacida sidii loo bari lahaa xirfado gacmeed usaamixi karo in ay dalkooda ka shaqeystaan, si loo joojiyo tahriibka dhallinyarada  in la abuuro hay’ado ama macaahid dhallinyarada u tababara xirfadle ama xirfadyaqaan, waayo shaqooyinku waxey ubaahan yihiin xirfad aqoon.

Arrintani  waxey kaalin weyn ka qaadaneysaa sidii loo heli lahaa dhallinyaro xirfad shaqo leh, oo shaqo markiiba ka heli kara hay,adaha gaarka loo leeyahay iyo dowladdaba.

Sidoo kale, waalidiinta iyo qaraabada dhallinyarada tahriibka aadeysa lacagaha faraha badan ee loogu tala galay in lagu tahriibiyo waa in loogu abuuraa ganacsiyo yar yar oo eey ku maareyn karaan nolashooda, weyba ka sii fiican tahay haddii afar afar iyo shan shan isugu biiriyaan lacagaha ay ku tahriibi lahaayeen.

Arrinta joojinta tahriibka dhallinyarada, waxey kaloo ubaahan tahay in wacyi-gelin ballaaran laga sameeyo, uuna hormuud ka noqdo saxaafadda ama meediyaha, kana qeybqaataan dhammaan ganacsatada, wax garadka iyo aqoonyahannada iyo cidkasta oo la kulanta dhallinyaro dooneysa in ay tahriibto.

 Wariye Maxamuud Ibrahim Timacade, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here