Muqdisho(INO)- Magaalada Muqdisho waxaa shir ku qabtay Qaar ka mid ah Jaaliyadda Oramada ee Muqdisho ku nool waxaana shirkaas ay ku cambaareeyeen nin kasoo jeeda qawmiyadaas oo dhawaan lagu dilay Gaalkacyo kaas oo aan la ogayan cida ka dambaysa dilkiisa.
Jaaliyadda Oromada ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyeen in ay ka dambayso dilkii loo gaystay Cabdulaahi Xaaji oo ka mid ahaa labo dhalinyaro ah oo Gaalkacyo duleedkeeda laga helay maydkooda, waxaana ay sheegeen in arrinakaas ay aad uga xunyihiin.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab hadal dhawana kasoo baxay oo ahaa in dadka reer Puntland ay ilaashadaan amnigooda lana socdaan soo galootiga Oromada ugu horayso ayaa sheegeen in hadalkiisu uu ahaa mid aan sharci ahayn, khaldana ay tahay in la takooro dadka oromada ah.
Marka laga soo tago warka kasoo baxay Jaaliyadda Oromada ee Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe laamaha maniga ee Puntland waxaa ay qabteen Rag kasoo jeeda Oromada oo ay sheegeen in ay qayb ka ahaayeen falal lidi ku ah Amniga Puntland.
Hoos ka Daawo Muuqaalka
Idale News Online, Muqdisho