Baydhabo(INO)- Malaaq Sheekh Muqtaar Sheekh aadan Yaroow ayaa ku amaanay Gudiga bad baadada Koonfur Galbeed Soomaaliya safarka shaqo ee aay ku tageen deeganada Puntland iyo howsha culus aay soo qabten.
Malaaqa ayaa sheegay in gudiga warbaxino aay ka dhageesteen Xildhibaanada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ugu jira Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale Malaaqyada iyo wax garadka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyaga oo ku amaanay howsha adag aay soo qabteen.
Halkan Ka Dhageyso
Gudiga Bad baabada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo socdaalo kala duwan oo ku baxiyay deeganada Puntland ayaa halkaasi ku soo arkay tacadiyo baahsan oo lagu haayo dadka ka soo jeeda Koonfur galbeed ayago saxaafada usoo bandhigay wixii aay indhahooda ku so arkeen.
Sido kale Malaaq Sheekh Muqtaar waxaa u fariin u diray Maamulka Puntland isaga oo ugu digay in la gumaado dadka maatida ah ee dhexdooda ku nool .
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka gudiga Bad baabada Koonfur Galbeed Idiris Dhaktar ayaa sheegay in aay maxkamad lala tiigsan doonan shaqsiyaadkii ka danbeeyay tacadiyada loo geestay iyo cid kasta oo arintaasi ku lug yeelata.
Idale News Online, Baydhabo