Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow: ” Ciidamada Uganda ha laga saaro Dalka”.

0
327

Muqdisho ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay IdaleNews.com ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dhibaatooyinka Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay  dowladda Soomaaliya in si deg deg ah ay dalka uga saarto Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Uganda ay booskooda buuxin karaan Ciidamada Soomaaliya , isagoona shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeyay weerarkii lagula qaaday deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose , ay joogteeyeen dhibaateynta dadka rayidka ah taas oo uu sheegay in ay ugu wacantahay qal qal ay ka qaadeen weerarkaasi.

Jeesow ayaa daboolka ka rogay in aysan Ciidanka Uganda ka faala qaadi  karin amniga shacabka balse ay dhibaateynayaan kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa tibaaxay in aan la aqbali karin War Saxaafadeedka AMISOM ay ka soo saareen dhibaatadii Ciidamada Uganda dhawaan ay ka geysteen deegaanka Buulomareer.

Ciidamada Uganda ayaa dhawaan dad shacab ah oo haweeney da’ ahayd iyo Gabar 9 sano jir ah ay ka mid ahaayeen waxa ay si bareer ah ugu dileen  nawaaxiga deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Idale News Online, Muqdisho