Madaxweynaha Sudan oo lagu wado in booqasho Taariikhi uu ku yimaado Soomaaliya

0
356

Khartoum ( INO )-Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir  ayaa la sheegay in uu safar ku imaan doono Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kadib martiqaad uu ka helay dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegeen warar ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada dalka Sudan  ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Al Bashiir uu aqbalay Casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararkaan ayaa imaanaya xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya uu booqday dalka Sudan halkaas oo uu kula soo kulmay dhigiisa Cumar Xasan Al Bashiir.

Dowladaha Soomaaliya ayaa booqashadaasi ku soo kala saxiixday arrimo kala duwan oo ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarka ay qeyb ka yihiin.

Sudan ayaa ah dowlad Saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo Ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan deeqo waxbarasho oo kala duwan.

Idale News Online, Khartoum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here