Dhageyso: Puntland Oo Iska Fogeysey Eedaymo Ay U Jeediyeen Waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
400

Garowe(INO)- Maamulka puntland ayaa ka hadlay hadalkii shalay kasoo baxay xilidhibaano ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku aadanaa in dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya loo geysto dhibaatooyin kala duwan.

Wasiirka Ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha puntland Cabdulaahi Qoobdeero ayaa sheegay in dano Siyaasadeed laga leeyahay wararka hadda Muqdisho ka soo baxaya, wuxuna cadeeyey in dadka ka soo jeeda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya, Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu badan ee sidda wanaagsan loogu soo dhaweeyey deegaanada Puntland, isagoo soo qaatay Suuqyada waa weyn ee ay ku leeyihiin magaalada Garoowe .

Wasiirku wuxuu cadeeyey in Guddi kormeer ahaa oo ka socday Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan yimaadeen Puntland oo si dhab ah u soo arkay xaaladda dadkaas ay qabaan & xattaa kuwii lagu soo qabtay dagaaladda oo ku jira nolol wanaagsan, wuxuuna tilmaamay in markii ay ku laabteen Muqdisho ay ku hadleen hadalo aan laga fiirsan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here