AMISOM oo ka warbixisay dadkii ay Ciidamadooda ku dileen Shabeelaha Hoose

0
309

Muqdisho (INO)—Taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa faah faahin ka bixiyay rasaas khasaaro nafeed geysatay oo Xoogaga AMISOM maanta ay ku fureen Dad Shacab ahaa, kuwaasi oo saarnaa Gaari.

Joe Kibet oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadaasi ay timid kadib markii Ciidamada AMISOM ay ka shakiyeen Gaarigaasi maadaama uu istaagi waayay xitaa hadii loo gacan haatiyay, sida uu hadalka u yiri.

Falkan maanta ay ku dhinteen 4-ta Ruux ee Shacabka ahaa ayaa ka dhacay nawaaxiga Degaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Dhacdaasi waa mid aan aad uga xunahay, balse Ciidamadeena Gaarigaasi naftooda ayey uga cabsadeen maadaama ay u qaateen in uu saarnaa waxyaabaha Qarxa” sidaasi ayuu yiri Afhayeen Jeo Kibet.

Ugu dambeyn, Joe Kibet oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in Warsaxaafadeed ay ka soo saari doonaan falkii Ciidamadooda maanta ay ku Dileen Dad Shacab ahaa oo saarnaa Gaari.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here