Baydhabo(INO)- Aqoonyahannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dallada Bulshadda rayidka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee SOSWENSA oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay ku eedeeyeen Puntland dhibaateynta dadka shacabka ah ee kasoo jeedda Gobollada Koonfureed ee dalka.
Waxay sheegeen in ay aad u cambaareenayaan dhacdooyinka kusoo laablaabtay deegaannada Puntland, iyaga oo hoosta ka xariiqay in wax ka qabashada arrintaasina ay ka dhego fureesteen madaxda Puntland.
Afhayeenka Aqoonyahanada koonfurta soomaaliya Prof. fowzi abdi Nuur iyo Gudoomiyaha Dallada SOSWENSA Ee Bulshada rayidka Cabdi Cadow ayaa kamid ahaa masuuliyiintii kulankaasi ka Hadley.
“Dastuurka KMG ee dalka u yaalla ma qabo in la kala faquuqo dadka Soomaaliyeed, dhibaato badan ayaa shacabka kasoo jeeda koonfurta loogu geystaa deegaannada maamulka Puntland, cid ka hadashayna malahan madax iyo waxgaradba, marka waa in arrinkaasi jawaab degdeg ah laga soo bixiyo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah aqoonyahannadii kulmay.
Aqoonyahannadaan ayaa dhinaca kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in madaxweynaha Puntland oo marna dalka Ra’iisul wasaare kasoo noqday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aanu wax jawaab ah ka bixin dhibaatada ay sheegeen in shacabka Koonfureed lagu hayo.
Ugu dambeyntii,mKa sokow dhaliilahan ay jeedinayaan aqoonyahannada Koonfur Galbeed waxaa jira waxgarad sidaan oo kale u cambaareeyay maamulka Puntland kadib markii ay sheegeen in dil, dhac iyo xarig loo geysto dadka kasoo jeeda koonfurta dalka.
Halkan Ka Daawo.
Wariye Abshir Maxamed Nuur, Idale News Online, Baydhabo