Aqriso+Sawiro:War-saxaafadeed Ay Soo Saareen Xildhibaanada BFS Ee Ka Soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
546

Baydhabo(INO)-  Kulan ay yeesheen Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed ee ka soo Jeeda Koonfur-galbeed iyo Xubno ka socda golaha Badbaada Koonfur-Galbeed ee dhowwanahan ku tegey kormeer deegaanada Puntland si ay u soo eegaan xaalada dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur-galbeed ee ku nool Puntland oo ka cabanayey tacadiyo loo geystey oo naf iyo maalba leh.

Kulannka oo Xubnaha Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed ay ka warbixinayeen ayaa ugu Horeyn waxaa warbixin siiyey Xubnaha Baarlamaanka Qaranka Mudane Idri Cabdi Taktar Gudoomiye Kuxigeenka Golaha iyo Cali maxamed Yusuf (Calishukur) Xoghaya Golaha.

Warbixin dheer kadib ayaa waxaa Xildhibaanada qaranka ay ka soo saareen shir Jaraaíd ku aadan tacadiyada loo geysanayo dadka ka soo jeeda koonfur-galbeed eek u nool Puntland:

  • Mamulka Puntland waa in ay soo maxkamadeeyaan dadkii geystey falalka dilka ah ee baniaadanimada ka baxsan loogu geystey muwaadiniin Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfur-galbeed.
  • Dilalka foosha xun ee lagula kacay muwaadiniinta soomaaliyeed ee ka dhacay magaalooyinka Galdogob, Garowe, Galkacyo waa in Maamulka Puntlan cadaaladda hor keenaan sida sida ugu dhaqsiyaha badan.
  • Waa in laga daayaa tacadiyada iyo hanjabaadaha iyo dhaca loo geysanayo dadka reer koonfurgalbeed ee ku dhaqan Puntland, meelaha ay tacadiyadaas ka socdaan waxaa ka mid ah: Laacdheere, Jariiban, galdogob, Bacaadweyn, Buur-Saalax iyo Gaalkacyo.
  • Waxaan shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqeynaa iney arintaas ka dhiidhiyaan oo ay muujiyaan dareenkooda iney ka xun yihiin tacadiyada arxandarada ah eek a dhacaya Puntland
  • Hayádaha Xuquuqul Insaanka kuwa Dowliga ah iyo Kuwa aan Dowliga ahayn waxaa loogu Baaqayaa iney si deg-deg ah u dabagalaan tacadiyada lagu hayo shacabka ka soo jeeda Koonfur-galbeed eek u dhaqan Puntland.
  • Waxaan Cambaareyneynaa Ugaas Yaasiin Cabdisamad oo bixiyey amarka muwaadiniinta la gu jiidey gawaarida tarankoodana lagurey.
  • Ugu danbeyn waxaan Dowladda Dhexe ee federaalka iyo Beesha caalamkaba ka codsaneynaa iney fiiro gaar ah u yeeshaan Puntland oo noqotey meel dadka dhiigooda lagu daadiyo laga soo bilaabo 2014 ilaa manta.

Wabilaahi Towfiiq

0010020030040050060070080090100011

Idale News Online Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here