Ecuador(INO)- Maamulka dalka Ecuador waxa ay xaalad degdeg ah geliyaan lix gobol kaddib dhulgariir xoog badan oo dalkaasi ku dhuftay saacado ka hor.
Madaxweyne ku xigeenka Ecuador waxa uu sheegay in ugu yaraan 28 qof ay dhulgariirka ku dhinteen.
Saraakiisha dowladda ee dalkaasi waxa ay tilmaameen in burbur lixaad leh uu geystay dhulgariirka.
Digniin Sunaami ah ayaa horey looga soo saaray dalalka Ecuador iyo Peru.
Dhulgariirka cabirkiisa ayaa lagu qiyaasayaa yahay 7.8 wuxuuna ku dhuftay xeebaha dalka Ecuador.
Xudunta dhul garirka ayaa ahyd dhanka xeebto oo uu dhow goob ay ku badanyihin dalxisayaasha, iyo kalluumeysatada.
Casimadda Quito ayaa 170-kilo-mitir uu jirta halka uu ka bilowday dhulgarika. Waxa uuna socdaay muddo ku dhow 40-ilbiriqsi.
Qeybo ka mid ah casimadda waxa go’ay korontadii iyo khadadka telefonada.
Xaruunta digninada dhulgarirka ee Pacif-ka ayaa horay uga digay mowjadaha dhulgarirka sunaami in ay ka dhici karaan xeebaha Ecuador.
Idale News Online,Eucodar