Daawo: Wasiirka Madaxtooyada KGS Oo Maanta Booqaday Dhaawacyada Askar Ka Tirsan KGS Oo Yaalla Isbitaalka Digfeer Ee Muqdisho

0
439

Muqdisho(INO)- Wasiirka Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed C/laahi Mursal iyo Xubo kale oo Tirsan Xafiiskiisa ayaa maanta booqadey askar ku soo dhawacantey Dagaal ka dhacey Degaano Hoostaga Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay.

Askartan ayaa Haatan lagu dabiibayo Isbitaalka weyn Ex.Digfeer Magaalad Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta ayaa Mid mid ula kulamey 3 Bukaan oo ka tirsan Ciidamda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Halkaas Lagu dabiibayo isla markaana waxa uu sheegey wasiirku in Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay daryeeli leyso Ciidamada ayna xaq u leeyihiin in dhaawacyada Culculus ay Geyso Dal iyo dibada.

Ugu dambeyntii, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dagaal adag waxay kula jirta Kooxda Mayalka adag ee Soomaalida Al-shabab ee gacan saarka la leh Al-qacida, kuwaasoo haantan ka taliya degaano tiro yar ka tirsan Koonfur Galbeed soomaaliya, waxaana dowladu ay sheegtey in ay  ka go’an tahay in wax u qabato Asarteeda kuwa dawacma ayagoo gudanaaya wajibaadkooda.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here