DEG DEG+Dhageyso:Ciidamada AMISOM oo si arxan daro ah dad Shacab ah ugu dilay Magaalada Buulo Mareer

0
333

Buulomareer(INO)- Wararka ka imaanaya Magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in saakay Ciidamo katirsan AMISOM ay dad shacab ah oo gaari ku safrayay si arxan daro ah ugu dileen magaaladaasi .

Dadka ay Ciidamada AMISOM dileen oo gaarayay ilaa afar qofood ayaa saakay kasoo baxay Magaalada Buulo Mareer, iyagoona kusoo jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, waxaana gaarigan rasaas xoogan ooda uga qaaday Ciidamo katirsan AMISOM oo dilay dadkii saarnaa.

Gaariga ay rasaasta ku fureen ciidamada AMISOM waxaa ku dhintay afar qof oo labo kamid ah ahaayeen ganacsato laga yaqaanay magaalada Buulo Mareer oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Daa’uud iyo Maxamuud Macalin, labada qof ee kale iyana la dilay ayaa waxa ay ahaayeen Haweeneyn Waayeel ah iyo Gabar ay ayeeyo u aheed.

” Gaariga waxa uu ka baxay Buulo Mareer waxaana rasaas huwiyay Ciidamada AMISOM oo laayay dhamaan dadkii saarnaa, AMISOM markii ay dadka dileen kadib inta gaariga kasoo dajiyeen Meydadka ayey hadana is dul saareen , dadka aad ayey uga argagaxsan yihiin dhacdadan” Ayuu yiri Mid kamid ah Ganacsatada Buulo Mareer oo la hadlay Allbanaadir.

Meydadka dadkii ay laayeen Ciidamada AMISOM ayaa laga qaaday halkii lagu dilay, waxaana dhacdadan ay tahay mid ay si weyn uga caroodeen dadka ku dhaqan magaalada Dhuuso Mareeb, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM iyo Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxa ay dilal iyo dhibaatooyin kale kula kacaan dadka shacab ah ee kunool goobaha ay joogaan, mana jirto cid wax ka qabata tacadiya AMISOM ay u geestaan dadka shacabka ah.

Idale News Online, Buulomareer